Dowladda Shiinaha Oo Sheegtay Inay DFS Ka Taageeri Doonto Hawlaha  Ammaanka   

 Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Shiinaha,ayaa sheegay inay Dowladiisa si kulul u cambaaraynayaan Qaraxaasi, isla markaana ay DFS ka taageeri doonaan Tallaabo kasta oo wax looga qaban karo Soo-celinta Nabadda iyo Deganaanshaha Somalia.

Afhayeenka oo maanta Shir Jaraa’id ku qabtay Caasimadda dalkaasi ee Pejing waxa uu carrabka ku dhuftay inay Dowladda Shiinaha ka soo horjeedo nooca kasta oo Khalkhal-gelin ah iyo inay Somalia  iyo Hawlgalka AMISOM ka taageereen Hawlgalka lagu xoojinayo Nabadda Somalia.

Waxa uu intaasi ku daray inay diyaar u yihiin inay door ka qaataan dadaalka ay dalalka Afrika, oo Somalia kow ka tahay ugu jaraan sugidda Ammaanka iyo Deganaansha iyo inay kaalin waxtar leh ka qaataan Ammaanka Somalia.

Dhageyso warka maanta

Qolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka 001 7128328110

English News
WARARKII