Dowladda Yemen oo Qiratay Gantaalkii ay ku dhinteen Qaxooti Soomaalida ahaa

Wasiirka arrimaha dibadda dalka yeman Hishaam Sharaf Abdullah oo kulan la qaatay wakiilka gaar ah ee dalka yeman u qaabilsan hay’ada socdaalka aduunka ee IOM Laurent De Boeck ayaa waxa kaga wada hadleen diyaaradii helicopterka aheyd ee sida qaldan gantaalka ugu tuurtay dooni ay saarnaayeen qaxooti Soomaaliyeed taa oo mareysay xeebta magaalada Xudeediya ee dalka yeman.

Wasiirka arrimaha dibadda dalka yeman Hishaam Sharaf Abdullah ayaa siweyn u cambaareeyay gantalkaasi lagu riday dooni siday qaxooti Soomaaliyeed isagoo ku tilmaamay mid liddi ku ah sharciyada arrimaha bini aadanimada.

Kulanka oo dhacay maalinimadii shalay aheyd ayaa wasiirka arrimaha dibadda dalka yeman waxa uu qirtay in ay fuliyeen diyaardaha dagaalka ee dalka Saudi Arabia oo bartilmaameedsaday muhaajireen Soomaaliyeed.

Wasiirka ayaa sidoo kale u balan qaaday muwaadiniintii Soomaaliyeed ee ku dhaawacmay falkaasi in ay siin doonaan adeegyo caafimaad oo lagu dabiibayo.

Dhanka kale sarkaalka IOM ee kulnka ay wada qaateen wasiirka ayaa ugu mahadceliyay dowlada yeman waajibaadka ay iska saartay dadkii ku dhaawacmay Gantaalka ee haatan jiifa isbitaalada yemen.

Dowladda Soomaliya ayaa dhawaan sheegtay in diyaardaha dagaalka ee dalka Saudi Arabia iyo kuwa Yemen in ay fuliyeen weerarkaas islamarkaana jawaab laga sugayo.

Weerarkaas waxaa ku dhintay 42-ruux In ka badan oo Soomali u badan.

Qolka jacaylka iyo kaftanka wanaagsan

Mareykanka 001 7124326996 

United kingdom 00443306061358

Sweden 0046840308879

Soth AFrica 0027121003058

Norway 004721939528

Belgium 003225887027

Australia 0280725143

Ausria 4312675954

RIIX Number 8 Kadibna 5454

English News
WARARKII