Erdogan : Qasabadaha shidaalka ayaan ka xiri doonaa Kurdiga Ciraaq

Erdogan ayaa sheegay in uu ciqaabi doono Kurdiyiinta Ciraaq haddii ay ku adkaystaan gooni isu taaggaErdogan ayaa sheegay in uu ciqaabi doono Kurdiyiinta Ciraaq haddii ay ku adkaystaan gooni isu taagga

Madaxweynaha Turkiga Rajeb Tayib Erdogan ayaa si kulul u weeraray aftidii laga qaaday dadka Kurdiyiinta Ciraaq ee ay ku doonayaan in ay ku go’aan.

Erdogan ayaa Kurdiyiinta kala dooransiiyay in ay ka haraan damacooda gooni isu taagga ama uu saari doono cunaqabatayn uu ku jarayo dhuumaha shidaalka ee gobolkan shidaalka ka qaada ee Turkiga taga, islamarkaasna uu xiri doono xuduudda labada dal.

Turkiga ayaa waxa uu ka cabsi qabaa in haddii Kurdiyiinta Ciraaq ay go’aan ay sidoo kale dadka Kurdiyiinta ah ee Turkiga ka tirsan ay iyaguna dalban doonaan in ay go’aan.

Natiijada aftida ayaanan wali lagu dhawaaqin, waxaase la filayaa in dadka ay ‘haa’ ku codeeyaan.

Hoggaamiyeyaasha Kurdiga ayaa sheegay in aftida aysan siinaynin xuquuqda ah in markiiba ay go’aan, balse ay tahay mid siinaysa awood ay wadahadalo kula bilaabaan dowladda dhexe ee Ciraaq iyo dalalka dariska ah sidii ay u noqon lahaayeen dal gaar u taagan.

Ra’isulwasaaraha Ciraaq Xaydar Cabadi ayaa meesha ka saaray in uu wax wadahadal ka gali doono arrimaha aftida maadaamaa uu ku tilmaamay in ay ahayd mid sharci darro ah.

Erdogan ayaa sidoo kale ku gooddiyay in uu talaabo militari ka qaadi doono Kurdiyiinta, balse ma uusan faahfaahinin .

Turkiga ayaa horay xiriir wanaagsan ula samaystay Kurdiyiinta, isaga oo u ogolaaday dhuun shidaal oo muhiim u noqotay dhaqaalaha Kurdiga Ciraaq.

Maamulka Kurdiga Ciraaq ayaa dhankooda xiriirka u jaray jabhadda PKK ee Kurdiga Turkiga, taasna waxa ay ciidammada Turkiga u sahashay in ay hawlgal ka fuliyaan gudaha Ciraaq.

Turkiga iyo Kurdiga Ciraaq ayaa waxa ka dhaxeeyay xiriir wanaagsanLahaanshaha sawirkaEPA

Image captionTurkiga iyo Kurdiga Ciraaq ayaa waxa ka dhaxeeyay xiriir wanaagsanBalse dadka yaqaana Erdogan waxa ay sheegeen in hadaladiisa kulkulul aysan mararka qaar ka turjumin ficil la samayn doono.

Isaga oo hadlayay talaadadii ayuu sheegay in uu hoggaamiyaha Kuridga Ciraaq Mascuud Bersani ka rajaynayay in uu dib dhigo aftida illaa daqiiqadii ugu dambeysay, balse waxa dhacay ay ahaayeen wax kalsoonidii jirtay lagu burburiyay.

“Marka aan qasabadaha shidaalka ka xirno, dakhligii soo galayay waa uu joogsanayaa, mana awoodi doonaan in ay cunto helaan marka gaadiidkeena ay joojiyaan in ay aadaan waqooyiga Ciraaq” ayuu yiri.

Ganacsiga u kala goosha Turkiga iyo gobolka Kurdiga Ciraaq ayaa waxaa lixdii bilood ee sanadkan 2017-ka lagu qiyaasay in uu gaarayo $5 bilyan oo doolar. Waxaa dheeraad ah boqolaal kun oo barmiil oo shidaal ah ayaa maalin kasta ku qulqula dhuumaha shidaalka geeya Turkiga.

72% ayaa usoo dareeray aftida iyada oo tirada guud ee gobolkan ku nool ay gaarayso 5 milyan oo qof oo Kurdiyiin u badanLahaanshaha sawirkaAFP
Image caption72% ayaa usoo dareeray aftida iyada oo tirada guud ee gobolkan ku nool ay gaarayso 5 milyan oo qof oo Kurdiyiin u badan

Kurdiyiinta ayaa ah dadka afraad ee ugu badan Bariga Dhexe, balse waligood ma aysan helin dowlad ay iyaga leeyihiin, waxayna u kala qeybsanyihiin waddamada Ciraaq, Turkiga, Iran, iyo Suuriya.

Halkaan ka dhageyso wareysiga

Qolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed 

Mareykanka 001 7124326996 

United kingdom 00443306061358

Sweden 0046840308879

Soth AFrica 0027121003058

Norway 004721939528

Belgium 003225887027

Australia 0280725143

Ausria 4312675954

RIIX Number 8 Kadibna 5454

English News
WARARKII