Faah faahin:- Qarax gaari oo ka dhacay Magaalada Muqdisho

0

 

 

 

 

 

Qaraxaan oo ahaa mid gaari ayaa ka dhacay Isgooyska Shaqaalaha ee magaalada Muqdisho gaar ahaan ka soo hor jeedka hotel Furaad,gaariga qarxay ayaa la sheegay in uu ku baakinaa wadada dhinaceeda,iyada oo la sheegay in uu ahaa qarax lagu xiray gaarigga.

Dad goobjoogyaal ah ayaa dayniile u sheegay in aysan wax khasaaro ah oo dadka ka soo gaaray qaraxaas,hase’ahatee markii uu dhacay in ay dadku ka kala carareen goobahooda ganacsi goobtana ay soo gaareen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda gaar ahaana ciidanka Booliiska Soomaaliya.

Wararka qaar ayaa sheegaya garigga qarxay in uu lahaa sargaal ka tirsan qeybta dembi barista CID-da ee magaalada Muqdisho isla markana uu ka badbaaday,xaaladda goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa caadi ku soo laabatay waxaana bilowday isku socodka dadka iyo gaadiidka.

Untitled Document

Ka Dhageyso War Dag Dag Ah Mobile-kaada 001 7127755624

TEL Maraykanka 7127755624

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilewb@gmail.com

TEL 00252618895064

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here