Faah faahin Qarax ka dhacay Sh/Hoose

Qarax khasaare geystay ayaa Duhurnimadii maanta waxa uu ka dhacay Degmada Qoryooley ee Gobolka Shabeelaha Hoose, sida uu soo sheegayo Wariye halkaasi ku sugan.

Qaraxan oo nuuciisa uu ahaa Miinada dhulka lagu Aaso ayaa waxaa la geliyay Maqaaxi halkaasi ku taalla, waxaana uu geystay khasaare, sida ay sheegeen Masuuliyiinta Gobolka.

Inta la xaqiijiyay Qaraxan ayaa waxaa ku dhaawacantay ilaa Shan Qof, kuwaasi oo dhammaantood ahaa dad shacab ah, oo halkaasi ku sugnaa, waxaana loola cararay goobaha caafimaad ee halkaasi ka akdhow.

Taliyaha Saldhiga Degmada Qoryooley Cali Maxamed Aadan (Cali Waal)  ayaa sheegay xilliga uu Qaraxan dhacayay in goobta ay ku sugnaayeen dad shacab ah, balse aysan ku sugneyn Ciidamo, laakiin goobta markii hore ay imaan jireen.

Waxa uu sheegay Ciidamada ammaanka Qaraxan in ay u soo qabteen tiro dad ah oo looga shakisan yahay in ay ka dambeeyeen falkan, hadana lagu wado baaritaano.

Halkaan ka dhageyso wareysiga

Qolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed 

Mareykanka 001 7124326996 

United kingdom 00443306061358

Sweden 0046840308879

Soth AFrica 0027121003058

Norway 004721939528

Belgium 003225887027

Australia 0280725143

Ausria 4312675954

RIIX Number 8 Kadibna 5454

English News
WARARKII