Faah Faahin:-Wiil dhallinyaro ahaa oo lagu dilay Degmada Kaaraan

0

 

 

 

 

 

 

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Kooxo hubeysan oo xalay gudaha Degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir ku dilay Wiil dhalinyaro ahaa.

Dilkaan ayaa waxaa uu ka dhacay agagaarka Busteejida kaaraan,isla markaana waxaa geystay kooxo hubeysnaa Bastoolado,kuwasi oo Wiilka dhowr xabadood uga dhuftay qeybaha sare ee Jirkiisa,xili uu ku sugnaa halkaasi.

Qof Goobooje ahaa xiligaas oo la hadlay Idaacada Dayniile ayaa u sheegay in marxuunka uu wax yar kahor ay kala tegeen,kadiba uu maqlay rasaas xoogan,isagoona soo baxay oo tegay halka laga maqlay rasaasta,kadiba uu arkay Wiilkii dhalinyarada ahaa ee daqiiqado kahor isla joogeen oo Meydka.

Allaha u naxariitee Marxuunka geeriyooday ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cabdicasiis Cabdullaahi Maxamed oo ku magac dheeree CJ,kaasi oo si weyn looga yaqaanay gudaha degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir,kana mid ahaa dhalinyrada Soomaaliyeed kuwooda aad u firfircoonaan sida dad Ehel la ah ay xaqiijiyeen.

Kooxihii ka dambeeyay dilkii ayaa goobta ay si deg deg ah ugu baxsaday luuq yar oo xiligaas goobta ka agdhawaa.

Ciidamo ka tirsan kuwa maamulka Degmada Kaaraan ayaa gaaray goobta uu falka ka dhacay,isla makaana waxaa halkaasi ay ka qaadeen Meydka Murxuumka,sidoo kalena sida caadada u aheyd sameeyay baatitaano kala duwan,hayeeshee kuma guuleysan inay soo qabtaa ragii ka fuliyay falkaas.

Tal iyo markii la guda galay Bisha Barakeysan ee Ramadaan ayaa waxaa degmooyin ka tirsan Gobolka Banaadir ka dhacay dilal qorsheysan,kuwasi oo geysteen kooxo hubeysnaa Bastoolado,iyadoona qaarkood ay Mus’uuliyadooda sheegteen Al-shabaab.

Untitled Document

Ka Dhageyso War Dag Dag Ah Mobile-kaada 001 3603984282

TEL Maraykanka 3603984282

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilewb@gmail.com

TEL 00252618895064

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here