Faah Faahinno Laga Helayo Falal Dilal Iyo Dhaawacyo Isugu Jira Oo Ka Dhacay Duleedka Magaalada Muqdisho.

0

 

Sida ay ku soo warramayaan dadka degan deegaanka Ceelasha Biyaha Rag hubeysan ayaa xalay fiidkii Goob Maqaaxi ah oo loogu Magac daray Galmudug ku dilay 2 qof.

Waxaana falkaas kadib Ciidamo soo gaaray meesha ay wax ka dhaceen rasaas ay iyaguna fureen ay ku dhaawacmeen illaa 4 qof.

Deegaanka Ceelasha Biyaha ayaa Habeen ka hor waxaa lagu dilay 4 qof , halka Habeenkii ka sii horeeyay isla deegaankaas lagu dilay 6 qof.

Falalkaan ayaa wararka qaar waxa ay sheegayaan in ay salka ku hayaan aanooyin Qabiil.

Tan iyo wixii ka dambeeyay Dil wadareed loogu geystay Nawaaxiga deegaanka Lafoole dad lagala soo dagay gaari ay la socdeen oo marayay Nawaaxiga Lafoole ayaa waxaa duleedka Muqdisho ku sii kordhayay falal dil bareer ah.

Untitled Document

Ka Dhageyso War Dag Dag Ah Mobile-kaada 001 7127755624

TEL Maraykanka 7127755624

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilewb@gmail.com

TEL 00252618895064

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here