Faahfaahi Dheere ah Shacab Lagu Laayeey Duleedka Gaalkacyo

0

 

 

 

Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar lagu qaaday dad rayid ah oo ku socdaalayey qeybo ka mid ah gobolka Mudug inkastoo dabley hubeysan ayaa lagu soo warramayaa in xalay gaari Rakaab ah oo marayay agagaarka deegaanka Saaxo oo hoostaga magaalada Gaalkacyo ay ku fureen rasaas geysatay khasaare dhimasho iyo dhaawac.

Ugu yaraan afar qof ayaa ku dhintay weerarkaasi, halka ay ku dhaawacmeen, tiro intaasi ka badan, sida ay xaqiijiyeen dad goobjoogayal deegaanka ah raggii ka dambeeyey falkaasi ayaa goobta isaga baxsaday aayar, sida aan wararka ku heleyno.

Gaariga la rasaaseeyey ayaa ka soo ambabaxay degmada Galdogob, waxaana la sheegay inuu ku soo jeeday magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug lama oga ujeedka loolaayey dadkaasi, mana jiro weli wax war ah oo ka soo baxay maamulka gobolka oo ku aadan dhacdadaasi.

Inta badan waxaa gobolka Mudug ka dhaca dilal qorsheysan iyo dagaallo salka ku haya dilal la xariira aanooyin Qabiil hase ahaate dhawaan ayey aheyd markii dad rayid ahaa oo gaarayay 13 Qof lagu toogtay magaalada Gaalkacyo, kuwaas oo ka soo kala jeeday deegaanada Koonfur Galbeed iyo HirShabelle.

Untitled Document

Ka Dhageyso War Dag Dag Ah Mobile-kaada 001 3603984282

TEL Maraykanka 3603984282

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilewb@gmail.com

TEL 00252618895064

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here