Faahfaahin Dheer ah Askar ka tirsan Ciidamada Dowladda oo lagu dilay duleedka Magaalada Muqdisho

0

Faahfaahin dheere ah oo aan ka helayno duleedka magaalada Muqdisho ayaa sheegay in halkaasi uu ka dhacay weerar gaadma ah oo lagu dilay askar ka tirsaneyd ciidanka dowladda kuwaas oo ku safrayay wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye.

Askartaan ayaa la sheegay in ay saarnaayeen Mooto Bajaaj laguna weeraray mel ku dhow Tabeelaha Shiiq Ibraahim oo ku yaal duleedka Muqdisho,iyada oo xiliga uu weerarku dhacayay ay wadadu aheyd mid cariiriya.

Goobjoogayaal ayaa Dayniile u xaqiijiyay in 3-Askari oo wada saarnaa hal Mooto Bajaaj lagu kooxo hubaysani ay ku weerareen Tabeelaha Shiiq Ibraahim ee duleedka Muqdisho isla markaana ay dhamaantood goobta ku geeriyoodeen.

Kooxdii dilka geysatay ayaa goobta iskaga baxsatay waxaana durbadiiba gaaray Ciidamo kale oo ka tirsan dowladda iayada oo uu hakad ku jira isku socodka dadkan iyo gaadiidka .

Untitled Document

Ka Dhageyso War Dag Dag Ah Mobile-kaada 001 7127755624

TEL Maraykanka 7127755624

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilewb@gmail.com

TEL 00252618895064

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here