Faahfaahin Dheeraad ah Maamulayaal Iskuul Oo Lagu Dilay Magalada Muqdisho

0

 

 

Faahaahin dheere ah aya ka sobbaxayso Dilka Maamulayaashaan ayaa waxa uu Salaadii Maqrib kadib ee xalay uu ka dhacay Xaafada Suuqa Xoolaha qeybta degmada Yaaqshiid gaar ahaan halka lagu Magacaabo Buurka.

Dadka Xaafadaas dagan ayaa u sheegay Dayniile in Rag hubeysan ay dileen Maamulaha Iskuulka Alfuraat iyo ku xigeenkiisa,isla markaana laga qaatay Qalab ay wateen,sida Mobelo iyo Computero.

Maamulaha la dilay ee Iskuulka AlFuraat ayaa waxaa lagu Magacaabi jiray Maxamed Cabdullaahi Xasan halka Maamule ku xigeenka lagu Magacaabi jiray Maxamuud Maxamed Xasan,isla markaana dadkii ka dambeeyay dilkooda ay baxsadeen.

Weli macadam dadka ka dambeeyay dilkaas,balse waxaa dadka qaarkood ay shegeen in loo maleynayo inay ka dambeeyeen Kooxo burcad ah oo ka qaatay Agabkii ay wateen sida Mobelo iyo Computero.

Dadka ka agdhow halka uu dilka ka dhacay Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomalaiya ayaa Goordhow gaareen halka dilka uu ka dhacay.

Untitled Document

Ka Dhageyso War Dag Dag Ah Mobile-kaada 001 7127755624

TEL Maraykanka 7127755624

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilewb@gmail.com

TEL 00252618895064

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here