Faahfaahin Dheere ah Dil ka dhacay Xaafad ka tirsan Magaalada Muqdisho

0

 

 

 

faahfaahino kala duwan ay ka heleynaa dilki ka dhacay Degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir ayaa waxaa ay sheegayaan in gudaha degmadaas Goordhow lagu dilay Nin Shacab ahaa.

Dilkan ayaa waxaa uu ka dhacay Xaafad ka tirsan degmadaas,isla markaana ay fuliyeen kooxo hubeysnaa Bastoolado,iyadoo goobta uu falka ka dhacay ka baxsady.’

Dad goobjoogayaal ah oo la hadlay Dayniile ayaa u sheegay in Ninka la dilay,xiligaas oo ku sugnaa meel ku dhow Saldhiga Degmada,hayeeshee lagu furay rasaas xoogan,kaasi oo ugu dambeyn goobta uu ku geeriyooday.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska maamulka Degmada Kaaraan ayaa tegtay halka uu falkan ka dhacay,iyagoo halkaas ka wada baaritaano kala duwan.

Meydka Ninka la dilay ayaa waxaa goobta ka qaaday dad shacab ah oo xiligaas ka Agdhawaa.

Untitled Document

Ka Dhageyso War Dag Dag Ah Mobile-kaada 001 3603984282

TEL Maraykanka 3603984282

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilewb@gmail.com

TEL 00252618895064

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here