Faahfaahin Qarax ka dhacay Mudug

0

 

 

 

 

 

 

Inta la xaqiijiyay labo ruux ayaa ku dhaawacantay kadib markii qarax miino uu la kacay gaari Maraayay dhanka bari ee degmada Galdogob ee gobolka Mudug sida ay sheegeen mas’uuliyiinta degaanka.

Gaariga Qaraxu haleelay ayaa noociisa lagu sheegay Iska’rogo, waxaana la sheegay in uu ka shaqeyn jiray Magaalada, islamarkaana uu soo qaadi jiray dhagaxaanta iyo Caradda lagu dhiso guryaha.

Gaariga ayaa la sheegay in miinadu la kacday xilli uu marayay degaanka lagu magacaabo Taloole oo qiyaastii 6KM dhanka bariga kaga beegan magaalada Galdogob.

Qaar ka mid ah dadka degaanka ayaa Risaala u xaqiijiyay in guud ahaan uu burburay gaarigii Qaraxu Haleelay.

Untitled Document

Ka Dhageyso War Dag Dag Ah Mobile-kaada 001 7127755624

TEL Maraykanka 7127755624

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilewb@gmail.com

TEL 00252618895064

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here