Faahfaahin Qarax lagu dilay Taliyihii iyo Abaanduulihii qeybta 12’ka April oo ka dhacay Sh.Hoose

0

Faahfahin dheere ah  aya ka helenay deegaanka Dhanaane ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in kolonyo gaadiid ah oo ay wateyn ciidamada xooga gaar ahaan qeybta 12’ka April uu qabsaday qarax kol sii horeysay wadada hareeraheeda lagu aasay.

Wararka ayaa intaas ku daraya in qaraxaasi ay ku geeriyoodeen Taliyihii qeybta 12’ka April Janaraal Cumar Dheere iyo abaanduulihi isla qeybtaasi Cabdi Cali Jamaame.

Qaraxaani ayaa qabsaday gaariga ay wateyn Taliyaha iyo Abaanduulaha qeybta 12’ka April ee ciidamada xooga waxaana sidoo kale ku geeriyooday ilaaladaooda ee gaarigaasi saarnaa oo gaaraya ilaa Todobo.

Ciidan gurmad ah oo ka baxay magaalada Muqdisho ayaa soo qaaday meydadka iyo dhaawacyada ciidamadaan qaraxa lala eegtay.

Shabaab ayaa shaaciyay in ay iyagu leeyihiin masuuliyada qaraxaani waxaana waayihii dambe ay kordhiyeen qaraxyada nuucaan oo kale ah ee wadooyinka hareeraheeda ku aasaan.

Untitled Document

Ka Dhageyso War Dag Dag Ah Mobile-kaada 001 7127755624

TEL Maraykanka 7127755624

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilewb@gmail.com

TEL 00252618895064

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here