Faahfaahinti ugu dambeesay dabkii ka kacay Suuqa Bakaaraha

0

 

 

Guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasadda gobolka Banadir, Maxamed Cabdullaahi Tuulax ayaa warbaahinta u sheegay in dabka uu baabi’iyay hanti badan oo ay laheyd ganacsatada isla markaasna ay xakameeyeen in dabka uu kusii fido guud ahaan Suuqa.

Tuulax wuxuu sheegay in qeyb badan oo kamid ah Suuqa uu gubtay balse inta ay ogyihiin aysan jirin dadka ku dhintay dabka .

Maxamed Cabdullaahi Tuulax ayaa sheegay inay wadaan baaritaano ku aadan waxa dhaliyay dabka iyo dhibaatada rasmiga ah.

Dabka ayaa ka kacay qeybta Hudheyda dukaan yar oo ku yaalla, waxaana uu gaaray ilaa iyo qeybta Maacuunta oo ku dhegan Suuqa Khaliifa.

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda ayaa lagu waddaa in ay taggaan Saacaddaha soo socda goobta uu dabku ka kacay si loo qiimeeyo hantida ku gubatay.

Untitled Document

Ka Dhageyso War Dag Dag Ah Mobile-kaada 001 7127755624

TEL Maraykanka 7127755624

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilewb@gmail.com

TEL 00252618895064

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here