Farmaajo oo Boosaaso kula kulmaya qeybaha bulshada 

 Madaxweynaha Soomaaliya oo xalay ku hoyday magaalada Boosaaso ayaa inta uu joogo waxaa la filayaa in kulamo kala duwan uu la yeesho bulshada, waxgaradka iyo mas’uuliyiinta, wuxuuna sidoo kale booqan doonaa goobo kale.

Maxamed C/laahi (Farmaajo) ayaa la kulmaya ardayda Jaamacadaha, waxgaradka iyo guud ahaan shacabka Boosaaso ku dhaqan, isagoo ka dhageysan doona warbixino ku aadan dareenka ay ka qabaan hana qaadka dowladnimo iyo baahiyaha ay qabaan in laga caawiyo dhinaca adeegyada bulshada Gobolkaasi Bari ku nool.

Dhanka kale iyadoo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo uu weli ku guda jiro booqasho uu ku tagayo degaano kala dwuan oo ay ka mid tahay Puntland, ayaa waxaa la filayaa in dhawaan uu gaaro magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.

Qaban qaabo ku aadan soo dhaweynta wafdiga madaxweynaha Soomaaliya ayaa laga dareemayaa magaalooyinka Gaalkacyo iyo Cadaado, iyadoo waddooyinka lagu xardhayo sawirada Madaxweynaha Soomaaliya.

Booqashadiisa Boosaaso kadib ayaa lagu wadaa in wafdiga Madaxweyne (Farmaajo) uu gaaro degaanada Galmudug, halkaasi oo uu kula kulmi doono qeybaha bulshada.

Ammaanka magaalooyinka Gaalkacyo iyo Cadaado oo uu booqan doono Madaxweynaha ayaa si weyn loo adkeeyey, iyadoo ciidamada ammaanka heegan ballaaran la geliyay.

Halkaan ka dhageyso wareysiga

Qolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed 

Mareykanka 001 7124326996 

United kingdom 00443306061358

Sweden 0046840308879

Soth AFrica 0027121003058

Norway 004721939528

Belgium 003225887027

Australia 0280725143

Ausria 4312675954

RIIX Number 8 Kadibna 5454

English News
WARARKII