Gaadiidley Cabasho ka ah maamulka gobolka Shabeellaha Hoose

Gadiidleeyda ka shaqeysa gobolada Banaadir, Shabeellaha Hoose iyo Baay ayaa cabasho ka muujiyay dhibaatan ay kala kulmayaan maamulka gobolka Shabeellaha hoose oo kusoo roggay lacago xad dhaaf ah.

Cadceed Cismaan Shuuriye  oo ah Guddoomiyaha ururka  iskaashatooyinka gaadiidleyda dalka, ayaa Warbaahinta u sheegay in muddo dhan todobaad aysan shaqeyn gaadiidleyda Muqdisho iyo Shabeellaha Hoose.

Guddoomiyaha ayaa xusay in Askarta maamulka Shabeellaha Hoose ay dil u geysanayaan darawalkii bixin waaya lacagta lagu amro.

Waxaa uu tilmaamay in dhowr meelood gaadiidleyda lacago looga qaato.

Dowladda Soomaaliya ayuu ugu baaqay in ay wax ka qabato dhibaatooyinka heysta Gaadiidleyda.

Dhageyso warka maanta

Qolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka 001 7128328110

English News
WARARKII