Gabadh iyadoon la ogayn bistoolad la raacday diyaarad

Baaritaannada ammaanka ee safarka ka horeeya ayaa si joogto ah loo sameeyaaBaaritaannada ammaanka ee safarka ka horeeya ayaa si joogto ah loo sameeyaa

Haweenay ka tirsan booliiska Maraykanka oo ku jirtay fasax ayaa iyadoo biskooladeedii ku wadata boorsada gacanta ka duushay garoonka caalamiga ah ee Los Angeles, iyadoo ku sii jeeday Taiwan.

Qalabka baaritaanka ee garoonka ayaan qabanin bistooladda, Noell Grant ayayna u xaqiiqawday in ay bistoolad wadato markii ay damacday in ay diyaarad kale ka raacdo Taipei.

Masuuliyiintii garoonka ayay ku wargalisay waxaana laga hor istaagay in ay ka baxdo Taiwan inta arrintaas xal looga helayo.

Saraakiisha faderaalka ee Maraykanka ayaa qirtay in aan si wanaagsan loo raacin nidaamkii ammaanka ee garoonka LAX.

“Masuuliyiintu ma aysan raacin “nidaamkii garoonka u dajisnaa, askariyadduse si sax ah ayay u martay goobaha lagu baaro ammaanka ee garoonka” ayuu yiri Nico Melendez oo ka tirsan masuuliyiinta waaxda maamusha ammaanka gaadiidka Maraykanka.

Wuxuu hadalka sii raaciyay in “dadka masuulka ka ah arrintaas si munaasab ah loola xisaabtami doono.”

Halkaan ka dhageyso wareysiga

Qolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed 

Mareykanka 001 7124326996 

United kingdom 00443306061358

Sweden 0046840308879

Soth AFrica 0027121003058

Norway 004721939528

Belgium 003225887027

Australia 0280725143

Ausria 4312675954

RIIX Number 8 Kadibna 5454

English News
WARARKII