Gabadh reer Guinea ah oo la sheegay in addoonsi galmo loogu haystay Australia

sawir

Gabadh da’yar oo ka soo jeeda dalka Guinea ee galbeedka Afrika ayaa ka soo baxsatay guri ku yaalla dalka Australia oo la sheegay in loogu haystay sidii addoon galmo uun loo haysto, sida ay booliisku sheegeen.

Gabadhan 17 jirka ah waxaa horaantii bishii Abriil geeyay magaalada Sydney nin u sheegay in uu siin doono shaqo nadiifiso nimo ah.

Waxaa la geeyay guri halkaas oo tiro rag ah ay u galmoon jireen ilaa ay ka soo baxsatay 27kii Abriil.

Waxaa hadda hawshan baaraya booliiska qaabilsan dambiyada addoonsiga iyo tacadiyada galmada la xiriira.

Gabadhan yar ayaa sheegtay in ay ka soo carartay goob aysan garanayn ka hor inta aysan haweenay ku soo qaadin gaarigeeda ee aysan keenin xarun bulsho.

Waxaa loo sii qaaday isbitaal si loo daweeyo.

Gabadhan ayaa booliiska u sheegtay in ay bishii koobaad ee sanadkan dalka Guinea kula kulantay nin uu u soo bandhigay in ay u shaqayso. Labadooduna ay markaas ka dib soo aadeen Australia iyaga oo sii maray magaalada Paris

Booliiska ayaa hadda baadigoobaya dadka ku eedaysan in ay gabadha dhibaateeyeen iyo haweenayda caawisay.

Halkaan ka dhageyso wareysiga

Qolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed 

Mareykanka 001 7124326996 

United kingdom 00443306061358

Sweden 0046840308879

Soth AFrica 0027121003058

Norway 004721939528

Belgium 003225887027

Australia 0280725143

Ausria 4312675954

RIIX Number 8 Kadibna 5454

English News
WARARKII