Gabdho ka cabanaya in kuwa ka quruxbadan looga xagliyo

Gabdhaha u shaqeeya shirkadda diyaaraddaha ee Aeroflot oo Paris lagu sawirayGabdhaha u shaqeeya shirkadda diyaaraddaha ee Aeroflot oo Paris lagu sawiray

Shirkadda diyaaraha ee Aeroflot oo ah midda ugu wayn ee dalka Ruushka ayaa wajahaysa dacwad ay ka soo gudbiyeen qaar ka mid ah shaqaalaheeda dumarka ah oo sheegay in laga doorbiddo kuwa dhuudhuuban ee soo jiidashada leh.

Maxkamadda magaalada Moscow ayaaTalaadadii diiday sheegashada midab takoorka ee ay soo gudbisay Irina Ierusalimskaya oo ka mid ah shaqaalaha diyaaradda.

Waxay qorshaynaysaa in ay racfaan qaadato waxaana taageeray ururrada ugu sareeya ilaalinta xuquuqda aadanaha iyo waliba Boris Kravchenko oo ah masuul sare oo ka tirsan ururka shaqaalaha.

Shirkadda diyaaradaha ee Aeroflot ayaa sheegtay in halkii kiilo ee culays ah uu u keeno in ay shidaal dheeri ah isticmaasho.

Qofka raba shaqo iyo in uu adeege ka noqdo diyaaradaha shirkadda waraaqda codsiga ee uu buuxinayo waxaa looga baahan yahay in uu ku qoro culayskiisa, dhererkiisa iyo cabirka dharka uu qaato.

Aeroflot ayaa diyaaraddo cusub soo iibsatay, suuq gayn caalami ah ayayna samaysatayAeroflot ayaa diyaaraddo cusub soo iibsatay, suuq gayn caalami ah ayayna samaysatay

Shirkadda Aeroflot waxay sheegtay in ay qasab tahay in dadka shaqada soo dalbanaya ay gaaraan cabirka ugu hooseeya ee ay u baahan yihiin maadaama ay shaqaaluhu kala hagaajiyaan goobaha kore ee boorsooyinka la saarto.

Maxkamadda ayaa sidoo kale go’aan ka gaari doonta mid la mid ah dacwadda ay horay u tuurtay oo ay soo gudbisay Yevgenia Magurina oo adeegto ka ah diyaaradaha shirkadda Aeroflot.

Sarkaal ka tirsan Aeroflot ayaa maxkamadda u sheegay in shaqaalaha cayilka badan ay ku adag tahay in ay isku kala wareejiyaan gudaha diyaaradda oo ay si sahlan ugu adeegaan macaamiisha.

Aeroflot waxaa la aasaasay wakhtigii Soviet-kaAeroflot waxaa la aasaasay wakhtigii Soviet-ka
Halkaan ka dhageyso wareysiga

Qolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed 

Mareykanka 001 7124326996 

United kingdom 00443306061358

Sweden 0046840308879

Soth AFrica 0027121003058

Norway 004721939528

Belgium 003225887027

Australia 0280725143

Ausria 4312675954

RIIX Number 8 Kadibna 5454

English News
WARARKII