Ganacsade Soomaaliyeed oo lagu dilay dalka K/ Afrika

0

 

 

 

 

 

Kooxo burcad Afrikaan ah ayaa maanta ganacsade Soomaaliyeed ku dilay magaalada Pretoria ee dalka Koonfura Afrika.

Dilka ayaa waxaa la sheegay in uu ka dhacay xaafadda Mamelodi oo ka tirsan magaaladaasi.

Marxuumka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Cabdifitaax Cali Xoosh, kaas oo ay kooxdii dishay goobta isaga baxsatay.

Dhacdadan ayaa qeyb ka noqoneysa dilal siyaabo kala duwan todobaadyadii la soo dhaafay ganacsatada Soomaalida loogu geysanayay gudaha dalkaasi.

Sanadkan 2019-ka ayaa waxa aad u sii kordhay dilalka iyo boobka loo geysanayo Soomaalida ku dhaqan K/ Afrika oo inta badan ganacsiyo ku leh dalkaasi.

Untitled Document

Ka Dhageyso War Dag Dag Ah Mobile-kaada 001 7127755624

TEL Maraykanka 7127755624

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilewb@gmail.com

TEL 00252618895064

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here