Ganacsatada Degmada Xamarweyne oo amaro la duldhigay.

0

Basmo Caamir Axmed  Gudoomiye ku xigeenka Arimaha Bulshada ee maamulka Gobalka Banaadir oo maanta shir jara’id ku qabatay Magaalada Muqdisho ayaa Waxaa ay digniin u diray Ganacsatada ka howlgasha degmada Xamarweyne ee Gobalka Banaadir.

Gudoomye Ku xigeenka arimaha Bulshada ayaa waxaa ay sheegtay in marnaba aan la aqbali Karin in ganacsatada Degmada Xamarweyne ay Qashin ku daadiyeen Degmada Xamarweyne, islamarkaana Tilaabo adag laga qaadi doono.

Ciidamada ilaalada deegaanka ayaa waxaa ay ka dalbatay Gudoomiye Basmo in ay il gaar ah ku hayaan Suuqa degmada Xamarweyne, islamarkaana cidii ay ku arkaan, iyagoo qashin ku daadinaya degmada ay gacanta ku dhigaan.

Gudoomiye ku xigeenka arimaha Bulshada ee maamulka Gobalka Banaadir ayaa hadalkan waxaa ay ka sheegtay kadib markii maanta ay kormeer ku tagtay Suuqa degmada Xamarweyne ee Gobalka Banaadir.

 

 

 

Untitled Document

Ka Dhageyso War Dag Dag Ah Mobile-kaada 001 7127755624

TEL Maraykanka 7127755624

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilewb@gmail.com

TEL 00252618895064

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here