Garoowe Oo Maant ka Dhacaya Shirkii Golaha Iskaashiga Maamul goboleedyadda

0

 

 

 

Shirka Golaha Iskaashiga maamul goboleedyadda ayaa lagu waddaa in uu Saaka ka furmo Magaalada Garowe ee Caasimadda maamulka Puntland.

Kulanka ayaa iskugu imaan doonan Madaxweynayaasha maamulada Puntland,Galmudug,Jubbaland iyo Koonfur Galbeed ayaa ku sugan Magaalada Garowe.

Khilaafka u dhaxeeya dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada ayaa ah mid sii xoogeysanayay, tan iyo markii maamul goboleedyada ay hakiyeen wada shaqeyntii Federaalka, waxaana baaqday shir uu isugu yeeray Madaxweyne Farmaajo oo lagu xalin lahaa tabashada ay qabeen maamul goboleedyada.

Shirkaan ayaa lagu waddaa in laga soo saaro go’aamo adag oo ka dhan ah dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Afhayeenka Golaha Iskaashiga maamul goboleedyadda Cabdullaahi Sheekh Xasan ayaa warbaahinta uga waramay qodobadda looga hadli doono Shirkaan

Sikastaba ha ahaate waxaa ka maqan shirka maamulka hirshabele kaas oo u muuqda mid qaadacay fikirka guracan ee wadaan Madaxda maamul Gobaleedyada kale waxana la sugayaa wixi kaso baxa shirkaan ka dhci doona Magaalada Garoowe.

Untitled Document

Ka Dhageyso War Dag Dag Ah Mobile-kaada 001 7127755624

TEL Maraykanka 7127755624

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilewb@gmail.com

TEL 00252618895064

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here