Golaha Wasiirada oo Ansixiyay Qorshaha Amniga Qaranka 5-sano ee Soo Socota

Kulanka Golaha Wasiirada ee maanta ku yeesheen magaalada Muqdisho ayaa waxay kaga hadleen Arrimo badan oo ay ka mid yihiin Amniga,Dib u heshiisiintii ay gaareen Maamulka Galmudug iyo Ahlu suna,shirarkii ka qabsoomay magaalada Muqdisho iyo warbixino laga dhageystay Wasiirada qaarkood.

Kulanka Wasiirada uu shir guddoominayay Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa sidoo kale inta uu socday waxaa lagu ansixiyay Qorshaha Amniga Qaranka ee shanta sano ee socoto,sida uu warbaahinta u sheegay Wasiirka Warfaafinta,dhaqanka iyo dalxiiska Xukuumadda Soomaaliya Eng, C/raxmaan Cumar Cusmaan Yariisow.

Ugu horeyn waxaa kulanka ka hadlay Wasiiru Dowlaha Amniga iyo Wasiir ku-xigeemka C/naasir,waxayna diirada saareen muhiimadda ay leedahay Qorshaha istiraatijiyada Amniga Gudaha ee 2017 ilaa iyo 2020, waxayna sheegeen in Arrimaha Amniga yoolka saareysa siyaasadda amniga dalka saldhigna u ah Qorshaha horumarinta dalka.

Halkaan ka dhageyso wareysiga

Qolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed 

Mareykanka 001 7124326996 

United kingdom 00443306061358

Sweden 0046840308879

Soth AFrica 0027121003058

Norway 004721939528

Belgium 003225887027

Australia 0280725143

Ausria 4312675954

RIIX Number 8 Kadibna 5454

English News
WARARKII