Guddiga doorashada Kenya oo sheegay in doorasha la qaban doono

 Guddiga Doorashada ee dalka Kenya ayaa waxay shaaca ka qaadeen in doorashada loo balansan yahay in ay dalka ka dhacdo 26 bishan ay sii socon doonto,iyada oo ay jirto in Raila Odinga uu tartanka isaga baxay.

Guddiga ayaa waxa ay sheegeen in dhamaan 8 musharax ee ka qayb galay doorashadii August ee ay laashay maxkamadda ugu sareysa dalka loo ogolaanayo in ay ka qayb galaan doorashada ku celiska ah .

Ku dhawaaqida arrintan ayaa waxa ay soo afjaraysaa 24 saac oo jahwareer uu ka dhashay ka laabashadii uu hogaamiyaha mucaaradka NASA Raila Odinga uu ka laabtay ka qayb galka tartanka doorashada ku celiska ah.

Waxa ay sheegeen guddiga in ay jiraan foomam ay tahay in uu saxiixo si sharciyan loo aqbalo in uu tartanka ka haray.

Go’aanka Odinga ayaa waxa uu keeni lahaa in madaxwayne Kenyatta oo kali ah uu tartanka ka qayb galo balse hadda arrintasi way is badashay.

Guddiga waxay sheegeen in 6 musharax ee kale ee doorashadii hore ka qayb galay ay imika doorashada ku celiska ah ka qaybgali karaan.

Hogaamiyayaasha mucaaradka Kenya ayaa waxay horey ugu baaqeen in isbadal lagu sameeyo guddiga doorashada ee hadda jira.

Halkaan ka dhageyso wareysiga

Qolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed 

Mareykanka 001 7124326996 

United kingdom 00443306061358

Sweden 0046840308879

Soth AFrica 0027121003058

Norway 004721939528

Belgium 003225887027

Australia 0280725143

Ausria 4312675954

RIIX Number 8 Kadibna 5454

English News
WARARKII