Guddiga Senate-ka Mareykanka ee Xiriirka Dibadda oo meelmariyay Pompeo

Agaasimaha hay'adda CIA-da, Mike Pompeo,

Ninka uu Madaxweyne Trump u soo xushay inuu noqdo Xoghayihiisa Cusub ee Arrimaha Dibadda, waa Agaasimaha hay’adda CIA-da, Mike Pompeo, ayaa waxaa meelmariyay Guddiga Senate-ka Mareykanka ee Xiriirka Dibadda.

Codbixinta ayaa waxa ay u muuqatay inay dhinac u ridday go’aanka uu Mr Pompeo ku taageeray Senator-ka Jamhuuriga ee Rand Paul, walow ninkaasi uu horay uga soo horjeestay magacaabista ninkaasi.

Mar uu ka hadlayay Aqalka Senate-ka ka hor inta aanan ninkaasi loo codeyn ayuu Mr Paul waxa uu sheegay inuu go’aansaday inuu ra’yigiisa wax ka badelo sababo uu ku sheegay inuu helay ballanqaad ah in Mr Pompeo haatan uu rumaysan yahay in hadalkii uu ka sheegay dagaalkii Ciraaq uu ahaa mid khalad ah.

Go’aanka uu guddiga ku ansixiyay Pompeo ayaa wajigabax ka badbaadiyay maamulka madaxweyne Trump.

Magacaabista Pompeo ayaa la filayaa in horraanta todobaadka dambe ay si buuxda u ansixiyaan xubnaha Aqalka Senate-ka, waxaana uu xilka kala wareegi doonaa Rex Tillerson oo xilka laga qaaday bishii hore.

Dhageyso warka maanta

Qolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka 001 7128328110

English News
WARARKII