Guddoomiyaha Golaha Shacabka JFS oo shir guddoomiyey kulanka Guddiga Joogtada ah ee Baarlamaanka

0

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Kulankan oo shir gudoominaayey guddoomiyaha golaha shacbaka JFS Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan sidoo kalena uu goob joog ahaa guddoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha shacabka Mudane Cabdiwali Sheekh Ibraahim Muudey, waxa uu guddiga joogtada ah ee golaha shacabka uu la qaatay guddiga madaxa banaan ee dib u Eegista iyo Hirgelinta Dastuurka.

Guddiga ayaa guddiga joogtada ah ee golaha shacabka u soo bandhigayay warbixin ku saabsan waxqabadka guddiga iyo intii la aas aasay qaabka ay u shaqeynayeen iyo kulamadii shaqo oo ay yeesheen, sidoo kale guddiga faah faahin ka bixiyay wada shaqeynta ay la leeyihiin guddiga la socodka iyo dib u eegista dastuurka ee Baarlamaanka Dalka sida uu sheegay guddooomiyaha gudiga madaxa banaan ee dib u eegisa iyo hirgelinta dastuurka Dr Maxamed Daahir Afrax.

Xubnaha guddiga joogtada ah ee golaha shacabka ayaa kulanka ka dhiibtay aragtiyadooda, waxyaabaha ay aadka uga hadleena waxaa ka mid ah arrimaha la xiriira cutubyada dastuurka ee guddiga ilaa hadDa uu kasoo shaqeeyay iyo arrimaha miisaaniyada.

Guddoomiye kuxigeenka koowaad ee golaha Shacabka Mudane Cabdiwali Sheekh Ibraahim Muudey, ayaa sheegay in kan guddoon ahaan ay la socon doonaan arrimaha dib u eegista iyo hir gelinta dastuurka siddii loo dar dar geliyo.

Guddoomiyaha golaha shacbaka JFS Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo kulanka soo xiray ayaa u mahad celiyay guddiga madaxa banaan ee dib u eegista iyo hir gelinta dastuurka warbixinta kooban oo ay guddiga siiyeen, isaggoo sheegay in golaha shacabka ay sii joogteyn doonaan kulamada ay la qaadanayaan guddiyada madaxa banaan si loola socdo howlaha ay haayaan.

Dhamaad

————————————————————————

Xafiiska Xiriirka Warbaahinta ee Golaha Shacabka BFS

Facebook/Golaha Shacabka BFS

Email/Speaker.media@parliament.gov.so

Twitter/speaker Mohamed Mursal

Untitled Document

Ka Dhageyso War Dag Dag Ah Mobile-kaada 001 7127755624

TEL Maraykanka 7127755624

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilewb@gmail.com

TEL 00252618895064

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here