Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Kulan La Qaatay Wakiilka QM ee Soomaaliya

Guddoomiyaha golaha shacabka Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, ayaa xarunta guddoonka iyo guddiyada ee Villa Hargeysa kulan kula qaatay wakiilka Ergayga gaarka ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Micheal Keating iyo Madax ka socotay Barnaamijka Horumarinta Qaramada  Midoobay ee UNDP qeybta taageerta Baarlamaanka Soomaaliya.

kulanka ayaa waaa looga hadlay arrimo ay ka mid yihiin  sidii Qaramada Midoobay ay usii xoojin laheyd taageerada ay siiso Soomaaliya iyo kordhinta mashaariicda ay ku taageerayaan Baarlamaanka Soomaaliya.

sidoo kale waxyaabaha inta kulanka uu socday aad looga hadlay waxaa ka mid ah ka qeyb qaadashada dadaalka Dowladda Soomaaliyeed ay wado oo ku aadan la socodka ,hir gelinta iyo sidoo kale  dhameystirka Dastuurka Dalka dadaalada ay beesha caalamka ku bixin karto si kaalinta  beesha caalamka iyo taageeradeedaba ay meesha uga muuqdaan, sida uu kulanka ka dib warbaahinta Qaranka u sheegay Xoghayaha guud ee golaha shacabka  Mudane C/kariin Xaaji Cabdi Buux.

  

Halkaan ka dhageyso wareysiga

Qolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed 

Mareykanka 001 7124326996 

United kingdom 00443306061358

Sweden 0046840308879

Soth AFrica 0027121003058

Norway 004721939528

Belgium 003225887027

Australia 0280725143

Ausria 4312675954

RIIX Number 8 Kadibna 5454

English News
WARARKII