Guddoomiye Jawaari oo la kulmay Naafada Qaranka “SAWIRRO”

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliyeed Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) ayaa kulan la qaatay xubno ka mid ah ururka Naafada Qaranka Soomaaliyeed ee uu fadhigoodu yahay Muqdisho.

Xubnahan kulanka la qaatay Afhayeenka Golaha Shacabka Soomaaliyeed ayaa waxay u soo bandhigeen dhibaatooyinka gaarka u ah iyaga ee ay doonayaan inay Dowladda Dhexe wax ka qabato.

Guddoomiyaha Golaha Naafada Soomaaliyeed Sayid Cali C/laahi Salaad, ayaa sheegay inay Dowladda Dhexe ka rabaan in Dastuurka lagu daro qodobo caddeynaya Daryeelka ay leeyihiin Dadka Naafada ah.

Salaad ayaa intaa ku daray in Dowladda ay ugu fadhiyaan in ay sameyso sharci qeexaya xuquuqda ay Dalka ku leeyihiin Dadka qaba baahiyaha gaarka ah.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) ayaa sheegay in laga shaqeyn doono dib u soo nooleynta wakaaladdii qaabilsaneyd Daryeelka Dadka qaba baahiyaha gaarka ah.

Mudane Jawaari, ayaa ballan qaaday in Golaha Naafadda laga qeyb gelin doono dib u eegista Dastuurka qabyada ah ee Soomaaliya, si ay u helaan xuquuqdooda.

Ma jiro tira koob rasmi ah oo qeexaya tirada Dadka Soomaaliyeed ee qaba baayihaha gaarka ah, waxaana xusid mudan in Dadka lixaadkoodu dhiman yahay ay qudhooda kala duwan yihiin dhan kasta.

 

Naafada 1naafada 2Naafada 3Naafada 4

Halkaan ka dhageyso wareysiga

Qolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed 

Mareykanka 001 7124326996 

United kingdom 00443306061358

Sweden 0046840308879

Soth AFrica 0027121003058

Norway 004721939528

Belgium 003225887027

Australia 0280725143

Ausria 4312675954

RIIX Number 8 Kadibna 5454

English News
WARARKII