Gudoomiye Golaha Shacabka oo ka hadlay Qaraxii ka dhacay Muqdisho

0

 

 

 

 

 

 

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa Cambaareyay qaraxii qasaaraha isugu jira dhimasho iyo dhaawac uu ka dhashay ee Al- Shabaab ay maanta ka geysteen Magaaladda Muqdisho,waxaana qaraxaas ku dhaawacmay Xildhibaan Seynab Maxamed Caamir oo ka tirsan golaha shacabka.

”Innaa lillaah wa innaa illeehi raajicuun waxaan cambaareynayaa qaraxii kooxaha arxan laabayaasha ah ka geysteen Magaaladda Muqdisho,dadkii qaraxaasi ku geriyooday oo ay ku jiraan askar ka tirsan Ciidamada Soomaaliyeed Illaahey ha u naxriisto sidoo kalena dadkii ku dhaawacmay oo ay ku jirto Xildhibaan Seynab Maxamed Caamir oo ka tirsan golaha Shacabka Caafimaad deg deg allaha ha siiyo”.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa Ciidamada amaanka ku amaanay dadaaladda ay ugu jiraan Sugida Amaanka shacabka Soomaaliyeed wuxuuna shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in Ciidamada amaanka ay ku garab siiyaan sugida amniga.

Untitled Document

Ka Dhageyso War Dag Dag Ah Mobile-kaada 001 7127755624

TEL Maraykanka 7127755624

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilewb@gmail.com

TEL 00252618895064

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here