Gudoomiye Jawaare oo ogolaaday in loo qaado Codka Kalsoonida

Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Cusmaan Jawaar ayaa goordhaw shir jaraa’id ku qabtay xarunta Villa Hargeysa, waxa uuna ka hadlay mooshinka ay xildhibanao katirsan Baarlamanaka kasoo gudbiyeen.

Jawaari ayaa sheegay in uu aqbalay Mooshinka Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Soomaaliya ka keeneen, waxa uuna sheegay in uu cod ku yimid markiisa hore hana uu ku baxayo cod.

Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa meesha ka saarty Warar warbaahinta laga baahiyay oo sheegayay in uu is casilayo, waxa uuna warkaasi ku tilmaamay Jawaari riyo aan rumoobeyn.

Waxa ugu baaqay Gudoomiye Jawaari Xildhibaanada Baarlamaanka in ay isagu yimaadaan kulanka Baralamaanka codna u qaadaan mooshinka isaga laga keenay mudo 10-cisho gudahood sida uu sharcigu qabo.

Gudoomiyaha Baarlamanaka Soomaaliya ayaa aqbalay Mooshinka laga keenay oo horey uu u sheegay in uu jabay, waxa uuna Gudoomiyaha cadeeyay in uu ku kalsoon yahay in codka kalsoonida loo qaado.

Hadalka Gudoomiyaha Baaramaanka Soomaaliya ayaa kusoo aadeysa xili Xildhibaano katirsan Baarlamaanka oo shalay Warbaahinta la hadlay ugu baaqeyn in uu is casilo si u dhamaado is jiid jiidka Siyaasadeed ee taagan.

Dhageyso warka maanta

Qolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka 001 7128328110

English News
WARARKII