Hargeysa oo lagu xiray wiil dhalinyaraa oo oo ku labisan Astaanta Qaranka Soomaliya

0

 

 

 

 

 

 

Ciidamada booliiska maamulka Soomaaliland ayaa maanta magaalada Hargeysa ku xiray wiil dhalinaro ah oo ku labisnaa Surwaal iyo Jaakad ka sameesnaa midabka Calanka Soomaaliya.

Wiilkan dhalinyarada ah oo magaciisa lagu sheegay Cabdiraxmaan Maxamed Cali “Aar” ayaa xiliga la xirayay ku sugnaa magaalada Hargeysa, waxaana la sheegay in wiilkan kahor inta aan la xirin in hanjabaad iyo cay kala kulmay dad shacab ah oo Hargeysa ku sugnaa.

Ciidamo katirsan booliiska Soomaaliland oo soo gaaray halka uu ku sugnaa wiilka ayaa si qasab ah goobta uga kaxeeyay, waxaana la sheegay in wiilkaasi dhalinyarada ah lagu xiray Xabsi kuyaala Hargeysa .

Maamulka Soomaaliland ayaa caburin iyo xarig u geesta dadka laga dareemo Soomaalinimo iyo sidoo kale dadka xirta astaanta Calanka Soomaaliya dhar u eg, waxaana horey sidan oo kale loogu xiray Hargeysa dad watay midabka Calanka Soomaaliya.

Untitled Document

Ka Dhageyso War Dag Dag Ah Mobile-kaada 001 7127755624

TEL Maraykanka 7127755624

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilewb@gmail.com

TEL 00252618895064

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here