Haweenaydii ilmaha yar ka xaday Isbitaalka Soos oo la qabtay iyo wiilkii yaraa oo waalidkiis loo geeyay

0

 

 

 

 

 

Kadib baaritaano kala duwan oo ay sameeyeen Ciidamada Booliska & Maamulka Degmada Hodan ayaa lagu guuleystay in la soo qabto haweenaydii cunuga yar ka xaday Isbitaalka Soos ee Muqdisho.

Maamulka Degmada Hodan & Booliska ayaa la sheegay haweenaydan inay ka soo qabteen Xaafadda Bisha Cas oo ku taal Degmada Hodan, halkaasi oo lagu haayay ilmaha yar.

Ciidamada Booliska ayaa xabsiga dhigay haweenaydaasi, waxaana laga qaaday cunugii yaraa oo lagu celiyay gacanta waalidkii dhalay.

Arrintaan ayaa farxad waxa ay ku abuurtay qoyska uu ka maqnaa cunuga yar ee laga xaday.

Habeenkii Sabtiga uu soo galaayay ayaa cunugaan yar laga soo xaday Isbitaalka Soos ee Degmada Heliwaa, xilli haweenayda ay iska dhigeysay ehelada reerka wiilka dhalay.

Untitled Document

Ka Dhageyso War Dag Dag Ah Mobile-kaada 001 3603984282

TEL Maraykanka 3603984282

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilewb@gmail.com

TEL 00252618895064

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here