Haweeney Soomaali Oo Ku Geriyootay Shil Gaari Oo Ka Dhacay Maraykanka

Allaha U Naxariistee Luul Cali Guure oo 29-jir ahayd  ayaa ku geeriyootay shil gaari oo maalintii Sabtida ee isbuucan ka dhacay Koonfurta magaalladda BURLINGTON ee Gobalka VERMONT ee W/bari ee dalka Maraykanka.

Marxuumadda, Luul Cali Guure oo ahayd Hooyo 7 carruur leh ayaa la sheegay inay iska tuurtay gaari yar oo ay la socotay, xilli uu gaarigu ku dhacay gaari weyn.

Hadal qoraal oo ay Boliska Koonfurta Burlington soo saareen ayey ku sheegeen in gaariga ay Marxuumadda ku geeriyootay uu ku dhacay gaari weyn, kadibna uu ku sii dhacay  derbiga Waddo-lugeedka Laamiga iyo geed, ka hor inta uusan Gaarigu qalibmin

Boliska waxa sheegeen inay Marxuumadda Luul Cali Guure  iska tuurtay gaariga. Kuna geeriyootay isla goobtii uu shilku ka dhacay.

Dhinaca kale, Taliyaha Boliska Koonfurta Burlington,  Trevor Whipple ayaa sheegay inay Koox Baaritaan u saareen si ay taageero uga geystaan baaritaanka Shilkaasi, lana soo saari doono Warbixinta shilka oo dhamaystiran.

Dhageyso warka maanta  

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniileweb@gmail.com

TEL 00252618895064

English News
WARARKII