Howlgal ka dhan ah Mootooyinka oo caawa Muqdisho ka socda

Ciidanka Nabad sugidda iyo kuwa Booliska ayaa caawa Magaalada Muqidisho waxa ay ka wadaan Howlgal ka dhan ah Mootada Labada Lugood leh.

Howlgalkan ayaa yimid kadib markii casir liiqii maanta kooxo hubeysan oo Isgoyska Afarta Darjiin ee Magaalada Muqdisho ku dilay Nin magaciisa lagu soo koobay Amadi ay wateen Mootada labada lugood leh ee loo yaqaano Vekon.

Ciidanka ayaa Howlgalkan ka wada Degmooyinka Gobolada Gobolka Banaadir, gaar ahaan xaafadaha iyo Isgoysyada, waxaana ay qabanayaan Mootooyinka Labada lugood leh, si loo soo qabto raggii galabta dilka geystay.

Saraakiisha hoggaamineysa Howlgalkan ayaa Risaala u sheegay in hada ay soo qabteen Mootooyin dhowr ah, kuwaasi oo ay ku socdaan baaritaano, welina Holwgalka uusan soo gaba gaboowin.

Qolka jacaylka iyo kaftanka wanaagsan

Mareykanka 001 7124326996 

United kingdom 00443306061358

Sweden 0046840308879

Soth AFrica 0027121003058

Norway 004721939528

Belgium 003225887027

Australia 0280725143

Ausria 4312675954

RIIX Number 8 Kadibna 5454

English News
WARARKII