Sida ay qortay jariidada “The Telegraph“, Michael McAlpine oo ah caalim ka tirsan jaamacadda Minnesota, ayaa hoggaaminayay koox cilmi-baarayaal ah oo tijaabo layaab badan sameeyay, kadib markii ay horumariyeen il electronic ah oo qaar ka mid ah indho la’aan daawo u noqon kara.
Michael iyo kooxda waxey soo saareen qaabkii Koowaad ee Isha oo iftiinka 3D lagu arki karo, waxa uu yiri: “Inta badan indhaha electronic ah waxaa loo arkaa iney yihiin khiyaali, laakiin maanta aad baan ugu dhow nahay anagoo adeegsadanaeyna multi-material daabacaadda 3D ah si aan uga dhigno waaqac dhab ah.”
Professor McAlpine cilmi-baaristiisan waxa uu ka bidhaan saday hooyadii oo 68 jir ah oo mid kamid ah indheheeda ku weyday qalliin fashilmay oo lagu sameeyay 7 sano ka hor.
McAlpine oo lagu yaqaanno inuu teknoolojiyada u isticmaalo caafimaadka horeyna u horumariyay dhag electronic ah sanadkii 2013, ayaa mashruuciisa dhiirrigelin fiican u helay si uu u soo saaro ishii ugu horreysay ee elctronic ah, kadib markii ay hooyadii su’aal kaliya weydiisay “Goormaad ii daabici doontaa il electronic ah.”
Ka Dhageyso War Dag Dag Ah Mobile-kaada 001 7127755624
TEL Maraykanka 7127755624
Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.
Email: dayniilewb@gmail.com
TEL 00252618895064