Jen. Subagle:-“Howlgal Lagu Furaayo Wadooyinka Xiran ayaa Bilaabanaya”,

Taliyaha Ciidamada midowga Afrika ee AMISOM Jen. Cusmaan Nuur Subagle oo dhawaan gaaray Magaalada Baydhabo ee Caasimadda KMG ah ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya ayaa sheegay in la qaadi doono howlgal lagu furaayo  Jidka u dhaxeeya Muqdisho iyo Baydhabo ay go’doomiyeen dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab ee ku yaala Gobolada Baay iyo Banaadir.

 Jeneraal Subagle Taliyaha Ciidamada midowga Afrika ee AMISOM ayaa intaas ku daray in howgalka uu dhowaan bilaaban doono, islamarkaana AMISOM iyo ciidamada dowladda ay u diyaar garoobeen dagaalka Al-shabaab iyo maleeshiyaadka hubeysan lala galaaayo.

Taliyaha ciidamada AMISOM Jen. Cusmaan Nuur SubagleJeneraal Subagle ayaa hadalkan ka sheegay magaalada Baydhaba isagoo ugaqaybgalay isbeddelka ciidamada AMSIOM ee dalka Itoobiya.

Jidka isku xira magaalooyinka  Muqdisho iyo Baydhaba ayaa si joogto dagaalyahanada Xarakada  Alshabaab uga howlgalaan iyadoo weerarro iyo afduubyo ka fuliya, dhawaan taliska AMISOM waxa uu sheegay in jidkaas uu yahay halka lagu laayo Ciidamada.

Dhageyso warka maanta  

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniileweb@gmail.com

TEL 00252618895064

English News
WARARKII