Jubbaland oo ka hadashay Dagaalka Diif

 

Maamulka Jubbaland ayaa faah faahin ka bixiyay Dagaal Ciidamada Jubbaland iyo xoogag ka tirsan ururka Al-shabaab ku dhexmaray shalay degaanka Diif oo ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose.

War Shabaab ay ku soo qoreen baraha ay wararkooda ku faafiyaan ayaa waxa ay ku sheegeen Dagaalka ka dhacay degaanka Diif in ay u suuragashay Dagaalyahanadooda in ay la wareegaan gacan ku heynta degaanka, ayna dileen Ciidamo ka tirsan Jubbaland.

Sarkaal u hadlay Jubbland ayaa sheegay in dagaalka uu jiro balse ururka Al-shabaab aysan la wareegin degaanka, hadana degaanka ay ku sugan yihiin Ciidamada Jubbaland.

Wuxuu sheegay dagaalka ka dhacay degaanka Diif in uu geystay khasaare kala duwan, wuxuuna tilmaamay khasaaraha dhankooda soo gaaray inuu kooban yahay, balse Shabaab ay ka dileen dagaalyahano badan.

Sidoo sarkaalkan ayaa beeniyay war ay baahiyeen warbaahinta qaarkood, kaasi oo ahaa in Taliyihii Booliska Jubbaland nolol iyo geeri inaan midna lagu heyn, wuxuuna tilmaamay Taliyaha inuu nool yahay, kuna sugan yahay magaalada Kismaayo.

Halkaan ka dhageyso wareysiga

Qolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed 

Mareykanka 001 7124326996 

United kingdom 00443306061358

Sweden 0046840308879

Soth AFrica 0027121003058

Norway 004721939528

Belgium 003225887027

Australia 0280725143

Ausria 4312675954

RIIX Number 8 Kadibna 5454

English News
WARARKII