Juuq La’aan:Safiirka Libya U Fadhiyay Cameroon Oo La Karbaashay

Dhalinyaro ka caraysan adoonsiga dadka madow loogu gaysanayo Libya ayaa feer iyo laad kala daalay safiirka Libya u fadhiya dalkaasi Cameroon. Diblumaasi Mohamed Khitouni oo madaxa aad looga garaacay ayaa gaaray heer uu ka miyir doorsoomo, hadii ayna ciidamada amaanka ka soo gaari lahayna waxaa la sheegayaa inuu aakhiro u dheelman lahaa.

Dhalinyaradu waxay aad uga caroodeen safiirka oo 24kii bishii ina dhaaftay warsaxaafadeed uu u qabtay saxaafadda dalkaasi Cameroon ku dafiray inay jiraan wax gabood fal ah oo dadka Afrikaanka ah loogu gaysto dalkiisa, wuxuuna sheegay taas cagsigeeda in dalkiisu soo dhaweeyo dadka madow. Hadalka safiirka oo idaacadaha iyo taleefishinada laga sii daayay, wargaysyadana lagu daabacay ayaa kiciyay xaraaradda dhalinyarada oo markii horaba meel halis ah maraysay, kadibna inta u daateen waxay heli kareen iyo waxay haaban kareenba la dhacay. Mohamed ayaa afkiisa eersaday maadaama uu difaacay falalka foosha xun ee ka socda dalkiisa, waxaana laga baqdin qabaa inay umuurtan aarsiga ah ku fiddo dalal kale oo Afrikaan ah oo Safiiro Libyan ahi joogaan, gaar ahaan Neigeria iyo Senigal oo dhalinyaro badani kaga go’doonsantahay Libya.

Cameroon waxay kamid tahay dalalka Afrikada Madow ee dhalintooda u tahriibaysa qaaradda Yurub ee ku sugan dalka Libya ay la kulmayaan tacadiyo isugu jira, kufsi, dil, unugyada jirka oo lagala baxo iyo waliba adoonsi. Walow dawladda Soomaaliya ay qoraal ka soo saartay inay daraasaad ku samaynayso tirada Soomaalida ku jira dadka lagu dulaysanayo Libya ayaa hadana waxaa dadka qaarkii ay u badinayaan inaan dhalinyaradaasi ceella u qodnayn,, cidina u maqnayn.

Mahadsanidiin.

W/Q Hassan Abdulle

Halkaan ka dhageyso wareysiga

Qolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed 

Mareykanka 001 7124326996 

United kingdom 00443306061358

Sweden 0046840308879

Soth AFrica 0027121003058

Norway 004721939528

Belgium 003225887027

Australia 0280725143

Ausria 4312675954

RIIX Number 8 Kadibna 5454

English News
WARARKII