K/Galbeed oo ka hadashay Dagaalka Al-Shabaab ay kula jiraan

 Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa waxa uu faah faahin ka bixiyay Dagaalka ay kula jiraan ururka Al-shabaab, kaasi oo ka dhaca Degaanada Koonfur Galbeed.

Wasiirka Warfaafinta Maamulka Koonfura Galbeed Ugaas Xasan Cabdi Maxamed oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay Dagaalka Shabaab keliya in uusan ku koobneyn, balse Dowlada Soomaaliya ay Dagaal kula jirto, iyada oo kaashaneysa AMISOM.

Waxa uu sheegay Degaanka Goof-gaduud oo muhiim u ah Magaalada Baydhabo in mararka qaar ay soo weeraraan Shabaab, balse Ciidanka Koonfur Galbeed oo feejigan ay ka hortagaan weeraradaasi Shabaab.

Ugaas Xasan Cabdi Maxamed Wasiirka Warfaafinta Maamulka Koonfura Galbeed ayaa sidoo kale sheegay Dagaalka Shabaab in uusan joogsan doonin ilaa laga saaro guud ahaan dalka.

Halkaan ka dhageyso wareysiga

Qolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed 

Mareykanka 001 7124326996 

United kingdom 00443306061358

Sweden 0046840308879

Soth AFrica 0027121003058

Norway 004721939528

Belgium 003225887027

Australia 0280725143

Ausria 4312675954

RIIX Number 8 Kadibna 5454

English News
WARARKII