Khilaaf ka taagan xilka qaadista Taliye C/xakiin 

Guddiga Amniga ee Gobolka Bari ee Maamulka Puntland ayaa 8-dii February sheegay in ay xilkii ka qaadeen C/xakiin Yuusuf Xuseen oo ahaa Taliyihii qeybta Booliska Gobolka Bari.

Guddiga ayaa sheegay sababta arrintan ay u sameeyeen in ay tahay kadib markii ay xil gudasho la’aan ku arkeen Taliyaha, lixdii bilood ee la soo dhaafayna uusan wada shaqeyn wanaagsan la lahayn maamulka.

Xubnaha Guddiga amniga ayaa waxa ay kala yihiin Wasiirka Dekadaha Siciid Maxamed Raage, Taliyaha Asluubta Gen. Cali Nuur Cumar, Gudoomiyaha Gobolka Barri Yuusuf Maxamed wacay (Dhedo) iyo Gudoomiyaha degmada Bosaso Yaasin Mirre.

Markii warqadaas ay soo baxday ayaa waxaa ka hadlay Taliye C/xakiin Yuusuf Xuseen oo sheegay in Guddiga Amniga aysan xilka qaadis ku sameyn Karin isaga, wuxuuna tilmaamay in shaqadiisa uu wadanayo, ilaa uu helo amarka Madaxda sare.

Wasiirka Amniga Puntland Axmed C/lkaahi Yuusuf oo maanta tagay magaalada Boosaaso, sidoo kalena warbaahinta la hadlay ayaa sheegay ujeedka ay u yimaadeen magaalada Boosaaso inuu yahay in arrintan ay baaris ku sameeyaan.

Wuxuu sheegay Wasiirka Amniga arrintan go’aankeeda ugu dambeeya in warbaahinta ay la soo wadaagi doonaan, balse hada ay wadaan baaris, wuxuu soo hadal qaaday xaalada amni ee Boosaaso, wuxuuna sheegay in Ciidamada ay kordhinayaan Howlgalkooda.

Ururka Al-shabaab ayaa kordhiyay weerarada Qaraxyada ah ee ay ka geysanayaan magaalada Boosaaso, waxaa ugu dambeeyay weerarkii habeeno kahor lagu qaaday saldhiga Booliska Boosaaso, oo lagu dhaawacay Ciidamo.

Halkaan ka dhageyso wareysiga

Qolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed 

Mareykanka 001 7124326996 

United kingdom 00443306061358

Sweden 0046840308879

Soth AFrica 0027121003058

Norway 004721939528

Belgium 003225887027

Australia 0280725143

Ausria 4312675954

RIIX Number 8 Kadibna 5454

English News
WARARKII