konfurta iyo bartama Soomaliya oo maanta internetka dib u heshay

Waxaa duhurnimadii maanta dib u soo laabtay adeegii internetka Fiber Optic ee Koonfurta iyo bartamaha Somalia oo go’naa sadexdii todobaad ee la soo dhaafay.

Magaalada Muqdisho oo aheyd halka ugu daran ee uu saameynta xun ku yeeshay inernetka go’naa ayaa si weyn looga soo dhoweeyey soo laabashadiisa oo dadku ay baahi weyn u qabeen.

Shacabka Magaalada Muqdisho ayaa iska wacayey telefanada iyagoo isku wargelinaya iskuguna hambalyeynaya soo laabashada inernetka oo beryahan si weyn loo soo sugayey.

Asxaab iyo ehelo badan oo ku xiriiri jiray baraha bulshada ayaa kala maqnaa muddo 22 maalmood ah oo qadka inernetku go’naa, kuwaasoo saacado yar ka hor mar kale dib isu arkay.

Adeega Internetka Fiber Optic ayaa go’ay saddex todobaad ka hor habeenkii ay soo galaysay ciidul fitriga ka dib markii markab ganacsi uu jaray cable-kii badda ee inernetka soo gaarsiinayey xeebta Muqdisho, waxaana ugu dambeyn maanta lagu guuleystay in dib loo howlgeliyo dedaal badan ka dib.

Dhageyso warka maanta

Qolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka 001 7128328110

English News
WARARKII