Kulamo wali ka socda Kismaayo

0

Kulamo kala duwan oo looga hadlaayo Khilaafka dowladda dhexe iyo maamul goboleedyadda ayaa wali ka socda Magaalada Kismaayo ee Caasimadda KMG ah ee maamulka Jubbaland.

Gudoomiyaha Aqalka Sare ayaa xalay kulan la qaatay Mas’uuliyiinta ugu sareysa maamulka Jubbaland sidda Madaxweynaha, ku xigeenadiisa iyo golaha Wasiiradda Jubbaland.

Kulankaasi ayaa looga hadlaayay sidii loo gabagabeyn lahaa Khilaafka dowladda dhexe iyo dowlad goboleedka Jubbaland oo gaaray Meeshii ugu sareysay.

Maamulka Jubbaland ayaa wali wadda eedeyn ka dhan ah Madaxda ugu sareysa dalka sidda Madaxweynaha.

Gudoomiyaha Aqalka Sare ayaa lagu waddaa in uu maanta soo gabagabeeyo Safarkiisa, islamarkaana uu shaaciyo waxyaabihii kasoo baxay Kulamadii Magaalada Kismaayo.

Untitled Document

Ka Dhageyso War Dag Dag Ah Mobile-kaada 001 7127755624

TEL Maraykanka 7127755624

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilewb@gmail.com

TEL 00252618895064

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here