Kutaan galay diyaaradda British Airways

British Airways British Airways

Shirkadda British Airways ayaa raaligalin siisay qoys dalka Canada u dhashay, kuwaas oo uu cunay kutaan ama dhiqlo xili ay habeenimo ku duulayeen duulimaad shirkadan ah.

Haweenayda lagu magacaabo Heather Szilagyi iyo gabadheeda oo 8 jir ah ayaa u kala gooshayay magaalooyinka Vancouver iyo London, waxayna ka cabatay qaniinyada kutaanka, markii ay u sheegtay shaqaalaha diyaaradda waxa ay u sheegeen in aanan laga badalaynin barkimaha iyo foodaraha kursiga.

Mrs. Heather ayaa sawiradda qaniinka kutaanka soo dhigtay barteeda Twitter-ka kadib markii ay ku guuldaraysatay isku dayo badan oo ay kula xiriirtay shirkadda, markaas kadib ayay shirkadda British Airways lasoo xiriirtay, raaligalina bixisay.

Shirkadda ayaa sheegtay in ay maamusho 280,000 duulimaad sanad kasta, arrimaha noocan oo kalana ay yihiin kuwa aad u yar. Balse waxa ay shirkadda sheegtay in ay ka taxadarayso hadda kadib.

Haweenaydan ayaa sheegtay in aysan diyaaradda ka doonaynin wax magdhow ah, kaliya ay doonayso in wax la hagaajiyo.

Subixii xigay markii ay soo tooseen, London-na gaareen ayaa waxa ay jirkooda ku arkeen astaamaha qaniinyada kutaanka.

Dhageyso warka maanta

Qolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka 001 7128328110

English News
WARARKII