Labo diyaaradood oo Mareykanka laga leeyahay oo ku burburay Japan

0

Lix askari oo Mareykan ah ayaa la la’yahay ka dib markii laba diyaaradood oo milatari oo Mareykanka laga leeyahay ay ku burbureen hawada intii ay ku guda jireen howlgal meel ka baxsan xeebaha dalka Japan.

Diyaaradahaan ayaa ka duulay Markabka lagu Magacaabo Marine Corps waxaana uu shilkaan uu  u dhacay 2-dii subaxnimo ee Khamiista maanta ah meel  320 kiilomitir (200 mayl)  ka baxsan xeebta Japan.

Labadda Diyaaradood ayaa waxaa saarnaa  toddoba qof, waxaana ilaa iyo hadda la heyn nolol iyo geeri dhammaan shaqaalihii Saarnaa.

Sarkaal Mareykan ah oo  ka hadlay dhacdadaan  ayaa sheegay in mid ka mid ah diyaaradaha ay aheyd  F / A 18  oo ah diyaarad dagaal, halka Midka ay aheyd Mid adeeg, islamarkaana hadda ay waddaan baaritaano.

Untitled Document

Ka Dhageyso War Dag Dag Ah Mobile-kaada 001 7127755624

TEL Maraykanka 7127755624

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilewb@gmail.com

TEL 00252618895064

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here