Lacag Kor U Dhaafaysa 3 Milyan oo Doolar oo Laga aruuriyey Xalay Hargeysa si Abaaraha wax looga qabto

Xarunta madaxtooyada Somaliland oo lagu qabtay munaasibada xuska 18 May oo qaaraan uruurin loo badelay ayaa xalay laga uruuriyey lacag dhan saddex milayn iyo boqol kun oo doolar in ka badan,

waxaana munaasibadaasi ka soo qayb galay ganacsatada waaweyn ee Soomalilinad iyo marti sharaf kale.

Madaxweynaha Somaliland oo munaasibada hadal ka jeediyey ayaa farrin qaaraan uruurin ah u diray bulshada munaasibada isugu timi, wuxuunu khudbadiisa kaga hadlay madaxweynuhu muhiimada ay leedahay in laysku tiirsado, wax lays taro iyo in loo gurmado dadka ay abaaruhu aafeeyeen oo ku xoolo belay .
Munaasibada qaaraan uruurinta oo toos looga daawanayey warbaahinta kahowlgasha deegaanada maamulkaasi ayaa waxa ka soo qayb qaatay shacabka somaliland ee qurbaha ku sugan, iyaga oo liiska qoraalka iyo adeegyada kala duwan ee lacagaha lagu diro kaga soo qayb qaatay qaaraaanka.

Soomaliland ayaa kamid ah meelaha ugu badan ay saameeysay abaarta sanaddkan kudhufatay meelo badan oo kamid ah Soomaliya.

Halkaan ka dhageyso wareysiga

Qolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed 

Mareykanka 001 7124326996 

United kingdom 00443306061358

Sweden 0046840308879

Soth AFrica 0027121003058

Norway 004721939528

Belgium 003225887027

Australia 0280725143

Ausria 4312675954

RIIX Number 8 Kadibna 5454

English News
WARARKII