Maamulka G/Banaadir oo ka hadlay Muxaadaradii dadka ku dhaawacmeen ee Sheekh Kenyaawi

0

 

 

 

 

 

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa ka hadlay muxaadaradii Galabta qabsoomi weysay ee uu Hoolka Sahal ka jeedin lahaa Sheekh Maxamed Sheekh ibraahim Kenyawi,kadib markii ay Goobta ka dhacday Isbuurasho.

Gudoddoomiye ku xigeenka dhinaca Amniga ee Maamulka Gobolka Banaadir Maxamed Cabdullaahi Tuulax ayaa sheegay in muxaadarada ay u qabsoomi weysay sababo la xiriira dadweynihii Muxaadarada dhageysan lahaa oo aad u farabadan kadibna ay Goobta deeqi weysay.

Waxa uu sheegay in meel ka weyn Hoolka Sahal lagu qaban doono muxaadaradaas,isla markaana Dadka jecel inay dhageystaan ay tegi doonaan.

“Dadweynaha kasoo qeybgalay muxaadarada Sheikh Kenyaawi waxaan u sheegaynaa in goobta muxaadarada loogu talgalay inay ka dhacdo iyo tirada dadka raba muxaadarada inay is qaadi waysay sidaas daraadeed anaggoo oo fiirinayna Amniga iyo nabadgalyada dadkaas waxaan Sheikha ka codsanay in la baajiyo muxaadarada iyo inaan goob ka weyn Hoolka Sahal aan ugu qaban doono shacabka Muxadaradiisa jecel.

Goobtii Galabta lagu qaban lahaa Muxaadarada ayaa waxaa buux dhaafiyay kumanaan Ruux taas oo keentay in dadku isbuurtaan,waxaana warar aan helnay ay sheegayaan in rasaas ay fureen Ciidamo ka tirsan dowladda ay ku dhaawacmeen Saddex Ruux oo ka mid ahaa dadkii muxaadarada halkaasi u tegay.

Untitled Document

Ka Dhageyso War Dag Dag Ah Mobile-kaada 001 7127755624

TEL Maraykanka 7127755624

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilewb@gmail.com

TEL 00252618895064

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here