Maamulka Galmudug iyo AMISOM oo Kawada Hadlay Howlgalo Ka dhan ah Al-shabaaab

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Guulle Xaaf ayaa kulan looga hadlayey Sugida amniga iyo Dagaalka Al-shabaab deeganada Galmudug waxaa uu Magaalada  Muqdisho  kula qaatay Danjiraha Midowga Africa Francisco Caetano Jose Madeira,Taliyaha Ciidamada AMISOM Janaraal Cismaan Nuur Subagle iyo Saraakiil kale.

Kulan ayaa waxaa diirada lagu Saaray dar-dargalinta Howlgalada Ciidamada ee Deegaanada Galmudug iyo Maamulka Galmudug laga Ganacsiiyo Xalinta Deegaanada uu ka Maamulo Gobalada Bartamaha Soomaaliya inta lagu guda jiro Sanadka 2017-ka.

Madaxweyne Xaaf ayaa Madaxda Howlgalka Midowga Africa  iyo Taliyaha Guud ee Ciidamada AMISOM waxaa uu ka dalbaday in la Fuliyo Howlgalo ka dhan ah Al-shabaaab ka hor dhamaadka Sanadka 2017- iyo Galmudug laga Taageero Horrumarinta Ciidamada Amniga.

Kulanka ayaa ugu danbeyntii lagu soo hadal qaaday Xaalada Abaarta ee ka Jirta Deegaanada Galmudug iyo Saameynta Al-shabaab ay ku leeyihiin Gurmad la gaarsiiyo Deegaanada iyo Dagmooyinka Gobalada Dhexe ee Al-shabaab ay Maamulaan waxaana AMISOM iyo Galmudug ay isla garteen Xoojinta  Howlgalka si dadka deegaanadaa Gar-gaar loogaarsiiyo.

 

Halkaan ka dhageyso wareysiga

Qolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed 

Mareykanka 001 7124326996 

United kingdom 00443306061358

Sweden 0046840308879

Soth AFrica 0027121003058

Norway 004721939528

Belgium 003225887027

Australia 0280725143

Ausria 4312675954

RIIX Number 8 Kadibna 5454

English News
WARARKII