Maamulka Galmudug Oo Yeelatay Television Cusub

Dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug ayaa markii ugu horreysay yeelatay Television cusub.

Wasaaradda warfaafinta maamukaasi ayaa shaacisay in si rasmi Tv-gu uu hawada u soo galay, islamarkaana lagu guuleystay muddo kadib in la hirgeliyo.

Wasiirka warfaafinta Galmudug Maxamuud Cismaan Masagawaa ayaa sheegay Television-ka uu ka warrami doono arrimaha wacyigelinta iyo horumarka deegaanada maamulkaasi.

Waxaana uu tilmaamay in fursad gaar ah uu siin doono bulshada ku dhaqan gobollada Mudug iyo Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.

Dhageyso warka maanta  

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniileweb@gmail.com

TEL 00252618895064

English News
WARARKII