Maamulka Gobalka Banaadir oo maanta Ku wareejiyeen Burcad Hubeesan Maxkamada Ciidamada Qalabka SIda

0

 

Maamulka gobolka Banaadir ayaa maanta burcadan oo lala qabtay hubkooda ku wareejisay xeer ilaalinta Maxkamada ciidamada qalabka sida si dadkaasi loo soo taago Maxkamada ciidamada .

Maxkamada ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya lagu wareejiyay koox burcad hubeesan ah oo dadka ku dhici jirtay qeybo kamid ah degmada Dharkeenley ee gobolka Banaadir.

Sida uu sheegay Gudoomiyaha gobolka Banaadir in uu bilowday howlgal lagu beegsanayo burcada shacabka dhaca iyo dhibaatooyinka kale u geesta, waxa uuna uga digay Odayaasha in ay saldhigyada uga daba yimaadaan burcadan marka lasoo xiro.

duqa muqdishu ayaa sheegay in lix nin oo loo soo qabtay iyaga oo dadka dhac u geesanayay lagu wareejiyay xeer ilaalinta si dadkaasi maxkamada ciidamada loo saaro.

Sikastaba ha ahaate  burcadan lagu wareejiyay xeer ilaalinta ayaa lasoo bandhigay qoryihii ay dadka ku dhici jireen, waxaana burcadan lasoo qabtay iyaga oo ku howlan dhac iyo in ay baad ka qaadaan dadka guryaha ka dhisanaya degmada Dharkeenley waxaan arintaas aad ugu farxeen shacabka degmadaas.

Untitled Document

Ka Dhageyso War Dag Dag Ah Mobile-kaada 001 3603984282

TEL Maraykanka 3603984282

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilewb@gmail.com

TEL 00252618895064

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here