Maamulka Hir-shabelle oo Ku Baaqay in La Joojiyo Dagaalka Degmada Cadale

Maamulka Hir-shabeelle ayaa ku baaqay in si deg deg ah beelaha ku dagaalamaya deegaano ka tirsan degmada Cadale ee Gobolka Shabeellaha Dhexe inay xal kama dambeys kaga gaaraan colaada u dhaxeysa oo muddooyinkii u dambeeyay.

Madaxweyne kuxigeenka Maamulka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen oo warbaahinta kula hadlay Magaalada Jowhar ayaa sheegay in Maamulka Hir-shabeelle uu aad kaga xun yahay colaada ka taagan degmada Cadale taasi oo u dhaxeysa beelo walaalo ah.

Sidoo kale waxaa uu sheegay Madaxweyne Ku-xigeenka in maamulka Hirshabeelle uu diyaarianayo gogol loo dhigayo beelaha walaalaha ah, isla markaana ay rajeynayaan in waxgaradka, odayaasha, culumaa’udiinka, haweenka labada dhinac ay ka soo qeyb galaan, si loo soo afjaro khilaafka u dhaxeeya labada beelood ee walaalaha ah

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe iyo Ciidamo uu hoggaaminayo Abaanduulaha Ciidamada Xoogga dalka Jen, Caanood ayaa shalay ku baxay deegaanada ay colaada ka jiraan, waxaana ay kala dhex dhigeen ciidamo milateri ah maleeshiyaadkii dagaalamayay.

Dhanka kale Xaalad deganaansho ayaa laga dareemayaa deegaano u dhaxeeya Koogaar iyo Xaaji Cali oo ka tirsan degmada Cadale, halkaasoo maalmo ka hor ay ku dagaalameen maleeshiyo beeleed ka soo kala jeeda Beelaha Cabdalla Carooni iyo Celi Cumar.

Halkaan ka dhageyso wareysiga

Qolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed 

Mareykanka 001 7124326996 

United kingdom 00443306061358

Sweden 0046840308879

Soth AFrica 0027121003058

Norway 004721939528

Belgium 003225887027

Australia 0280725143

Ausria 4312675954

RIIX Number 8 Kadibna 5454

English News
WARARKII